Wasiirka Maaliyadda oo Khudbad ka jeediyay Jaamacadda Harvard (Sawirro)

986
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo khudbad ka jeedinayay jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka/Jimco/13/04/2018

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay jaamacadda Harvard University Kennedy School ee ku taalla magaalada Boston ee dalka Mareykanka.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa diiradda Ku saaray horumarada geedi-socodka iyo dhanka dhaqaalaha ah ee Soomaaliya iyo caqabadaha jira.

Waxaa uu ka hadlay guulaha dhanka dhaqaalaha ee wasaaraddiisa ay ku tallaabsatay, caqabadaha wasaaradda lasoo gudboonaaday iyo barnaamijka la socodka shaqaallaha (SMP) ee hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF).

Wasiirka Maaliyadda ayaa dadka go’aanada Siyaasadda Ku lugta ah, maclimiinta iyo ardayda Jaamacadda kula dooday taasi oo Ku aadan qaabka ay u fakirayaan marka ay xiriiro lasoo samaynayaan Soomaaliya.

Wasiirka Beyleh ayaa sidoo kale la kulmay Ardeyda Jaamacadda Harvard. Sawirka: Twitterka

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa khudbadda uu jaamacada Harvard ee dalka Maraykanka ka dib waxaa uu qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay Ku sheegay inuu ka hadlay horumarka Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

“Maanta waxaan Muxaadaro ka jeediyay Jamacada @HarvardCID Kaga hadley Horumar ka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Somaaliyeed oo aan u ugu warbixiyey iyo horumarka aan mustaqbal ka dhaw tiigsaneyno.
Wadanka waa in ku dhisano Gacmahena” ayuu Ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka

Wasiirka Beyle, ayaa dalka Maraykanka u jooga inuu ka qayb galo shirka hay’adda Caalamiga ah ee lacagta Adduunka  ee (IMF) iyo Bangiga adduunka.