Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka warbixiyay qodibadii iyo waxyaabihii ka soo baxay shirkii Hey’ada lacagta IMF ee ku saabsan eedeynta cafiska Soomaaliya ee lagu qabtay Nairobi.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xaafiiska oo saaxafada uga warbixiyay waxyaabihii kulankaasi uga soo qabsoontay.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay madaxda hey’ada lacagta IMF ay u cadeeyeen in ay ka soo baxeen shuruudihii horyaalay, isla markaana ay cagta saareen waddada rasmiga ah ee lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya.
Maanta waxaan ka hadlay guusha aan ka soo gaarnay shirkii aan IMF kula soo galnay Nairobi. Madaxda IMF ee aan la shirnay waxay inoo cadeeyeen inaan ka soo baxnay shuruudihii na horyaalay, isla markaana aan cagta saarnay wadada rasmiga ah ee lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya. pic.twitter.com/5DNMusn2ZZ
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) December 10, 2018
Wasiirka Beyle ayaa rajo ka muujiyay barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya in la gaari doono haddii dowladdu xoogga saarto dhamaystirka shuruudaha laga rabo.
Soomaaliya ayaa waxa la lagu leeyahay deymo lagu qiyaasay 5 bilyan oo doollar oo dalal iyo Hey’ado caalamiya ay horey u deymiyeen.