Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay halka ay marayso deyn cafinta Soomaaliya

533

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiisyo dhawaan ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Hey’addaha Maaliyadda caalamiga ah.

Shirka jaraa’id ayaa sidoo kale waxaa uu wasiirku uu shacabka faahfaafaahin dheer ka siiyay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo heerarka ay marayso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan heshiiyo deymaha lagu leeyahay looga khafiifanayo ay kala saxiixdeen Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Aduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF deymaha Soomaaliya ku leedahay ay ka cafin doonaan 5 bisha soo socota.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shalay kulan dhanka muqaal ah ( Teleconference) la yeeshay wasiir ku xigeenka Maaliyadda dalka Ruushka iyagoo ka wadahadlay arrimaha deyn ee dowladda Ruushka ku leedahay Soomaaliya.