Wasiirka Maaliyadda oo Daah-furay Miisaaniyadda dowladda ee 2021

691

Muqdisho – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho kulan ku saabsan Daah-furka Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2021.

Kulankaan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay Miisaaniyadda sanadkaan 2021, sharciga haga Miisaaniyadda ee Maamulka Maaliyadda ee PFM -ka iyo isbeddela dib u habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Munaasabadda looga daah-furiyay Miisaaniyadeed sanadkeedka 2021 oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdullahi Sheek Cali Qalocow,  Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Sheekh Cumar iyo Agaasimaha Miisaaniyadda Wasaaradda  Maaliyadda  Axmed Cabdi Aadan ( Iraad), Madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo qeybaha kale duwan ee ganacsatada iyo bulshada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in sanadkaan horumar wayn laga sameeyay sare u qaadida dakhliga gudaha ee dalka iyadoo uu jiray samaynta dhaqaale ee cudurka Covid-19.

Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in Miisaaniyadda maanta la Daah-furay furay ay tahay 685 Milyan oo isagu jirta, kaalmada iyo deeqaha iy dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda. Waxa uu sheegay in koror dakhliga gudaha boqolkiiba 3 uu kordhay iyadoo uu jiray xanuunka Covid-19.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr.  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha iyo doorka ay ku leeyihiin in dalka uu heerkaan soo gaaro maanta.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullahi Sheek Cali Qalocow ayaa ka hadlay hannaankii ay soo martay diyaarinta Miisaaniyadda iyo guulaha laga gaaray isbeddelada iyo dib u habaynta dhaqaapaha lagu sameeyay hannnanka Maaliyadda dalka iyi sidii uu kaalin muhiim ah uga qaatay qorshaha deyn cafinta.

Wasiirk ku xigeenka Qalocow ayaa sidoo kale ka hadlay daahfuranaanta iyo isla-xisaabtan Wasaaradda Maaliyadda iyo sida ay markasta diyaar ugu tahay in ay dadweynaha u soo bandhigto Miisaaniyadda dowladda iyo mashaariicda kale ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Sheekh Cumar ayaa sidoo kale ka hadlay sharciga Guud ee Maamulka Maaliyadda iyo sida uu muhiim ugu yahahay hagida Maaliyadda dowladda iyo sharuucda kale ee Maaliyadeed ee dalka.

Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda, Axmed Cabdi Aadan (Iraad) ayaa koobta ka jeediyay macluumaad iyo faahfaahinta ku saabsan kutala galka Miisaaniyadda 2021 ee dalka iyo sida ay u korortay.  Agaasimaha Miisaaniyadda ayaa sidoo kale xusay sida loo qoondeeyay Miisaaniyadda iyo meelaha ay kororo ka samaysay sanadkaan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sharaxay sharciga Maamulka Maaliyadda ee PFM-ka oo muhiim u ah hagida habraacyada Miisaaniyadda iyo sharuucda kale ee hannaanka Maaliyadda.

Agaasimaha ayaa sheegay in Miisaaniyadda sanadka 2021 ay tahay 685 Milyan iyadoo ka badan Miisaaniyadda sanadkii hore.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadaalada dhaqaalaha dalka kor loogu qaadayo ay sii socdaan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shillin walba meesha uu ku baxo iyo waxa loo adeegsaday dadweynaha lala wadaagayo si loo dardargeliyo daahfuranaanta iyo isla-xisaabtan.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si rasmi ah u daahfuray Misaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2021.

SHARE