Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta Isniin ah booqday xarunta Taliska Ciidaanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa xarunta taliska booliiska ee magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaasha ugu sarsaraysa laamaha amniga dowladda Federal-ka.
Wasiir Beyle iyo madaxda laamaha amniga ayaa kulanka ay yeesheen waxaa ay uga hadleen maagelinta Hey’adda amniga dalka, gaar ahaan Booliska iyo Militariga.
Sidoo kale waxaa ay isla soo hadal qaadeen arrimaha dhaqaallaaha ciidanka amaanka iyo caddaaladda iyo sugnaanta mushaaraadkooda.
“Waxaan booqday xarunta taliska ciidanka booliiska Soomaaliya si aan ula kulmo hogaamiyaasha qaybta amaanka, si aan ugala hadlo maalgalinta ammaankeena.#Caddaalad #Mushaar # Hormar” ayuu ku yiri wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya oo qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.