Wasiir Beyle: Ma jirto wax canshuur kordhin ah oo ay dowladdu sameeysay

747

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa beeniyey warar sheegayay in wasaaraddiisu ay kordhisay canshuuraha la qaado.

Cabdiraxmana Ducaale Bayle oo warbaahinta Soomaalida kula hadlay xafiiska wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dawladdu ay  damacsan tahay inay hirgeliso canshuurta iibka ee laga qaado alaabooyinka.

Waxaa  uu sheegay in bixinta canshuurta iibka ay lagama maarmaan u tahay jiritaanka dawlandimada Soomaaliyeed.

Wasiir  Bayle ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed todobaadka soo socda uu kulan la qaadan doono kaasi oo looga hadli doono arrimo muhiim oo arrimaha Canshuurta iyo in ganacsatada ay diyaar u noqdaan bixinta canshuurta iyo iney si dhaw ula shaqeyaan Wasaarada Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya oo war kooban soo dhigay barta uu Ku leeyahay aaladda Twitter-ka ayaa waxaa ku sheegay in ayaan jirin wax canshuur kordhin ah oo wasaaraddiisu ay samaysay.

Hadalka Wasiirka Maaliyadda ayaa imaanaya ka dib markii qaar ka mid ganacsatada Soomaaliyeed ee dekeda alaabta ka soo dejista ay warbaahinta u sheegeen in Canshuur kordhin lagu sameeyay.