Wasiirka Maaliyadda Dowaldda federaalka Dr Beyle iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. Wefdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa qaar kamid ahaa Wasiiarada Maaliyadda ee maamulada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Beyle iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe, Wasiir ku xigeenka iyo saraakiil ka socotey isla wasaaradda.
Ujeedada Safarka ee Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dowald goboleedka aya ah shir ku saabsan nidaamka “Fiscal Federalism” oo ah sidii loo qaybsan lahaa dakhliga iyo kheyraadka dalku leeyahay, mideynta canshuuraadka, shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee Garoowe lagu qabto, waxaana kii u horeeyey la qabtey bishii Juun 2016.
Bangiga Aduunka oo wakiil ka ah deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa fududeeyey qabsoomida kulanka, iyagoo ka taageera maamulada gobolada iyo dowladda dhexe dib u habaynta maamulka maaliyadda dalka, waxayna ka fuliyaan dalka mashaaric ay ku baxdo dhaqaalo faro badan iyagoona soo marsiiya Wasaarada Maaliyadda DFS gaar ahaan mashruuca Public Financial Management iyo Recurrent Cost Reform oo u xilsaaran kharashadka malinlaha ah ee dowalda iyo mushaaradka shaqaalaha.