Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee UK Priti Patel ayaa is casishay ka dib markii lagu eedeeyay inay shirar qarsoodi ah la yeelatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Israel.
Ms Patel ayaa arbacadii un ka soo laabatay booqasho ay Ku sheegtay inay ahayd mid qoys oo ay Ku tagtay Israel.
Waxaa lagu eedeeyay in 12 shir oo qarsoodi ah ay la yeelatay mas’uuliyiin ka mid ah Israel oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu.
Waraaqda is casilaadda ah ee ay qortay Patel waxay ku sheegtay in ficilkeedu uu ka hoos maray heerkii daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka ee ay u ol’olayn jiray, dhiirigalin jirtayna sida ay sheegtay balse ay soo baxeen cadeymo kale oo hor leh oo sheegaya inay jiraan kulamo kale oo ay qarisay.
Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegtay in ay qaadatay go’aan “sax ah” iyadoo ay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxeen arrintan”.
Waxaa ay ahayd in ay booqato dalka Uganda inta aysan is casilin ka hor.
Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee dalka UK, ayaa waxaa ay ahayd gabar ka mid ah xubnaha ugu caansan xisbiga talada haya.
Waxaa lagu xusuustaa inay ahayd xubin aad ugu olalaynaysay in UK ay ka baxdo midowga Yurub.