Muqdisho (UM) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa maanta xilkiisa wasiirnimo iska casilay sababo la xiriira arrimaha siyaasadeed ee ka tagaan Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Hawlaha Guud ayaa sheegay inuu isku casilay faragelinta dowladda Dhexe ay ku hayso arrimaha siyaasada gudaha iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay.
Waxa uu sheegay in aysan jirin meel Xukuumadda uu ka tirsanaa ay uga arrinsatay xariga Mukhtaar Roobow oo Khamiistii dowladdu ka soo xirtay magaalada Baydhabo.
Xariga Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya u tagaan ayaa waxa ka dhashay qalaalse siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Baydhabo kaasi oo isku beddelay rabshado ay dad ku dhinteen kuna dhaawacmeen.
Waxaa maagalada Baydhabo maanta ka bilaamay hadal jeedinta Musharaxiinta u tagaan doorashada xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu waddo ay dhacdo maalinta Arbacada ah oo ku beegan 19 bishaan December, 2018.