Muqdisho (UM) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelee oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay shirka seddax geesood ah ee u dhexeeyay Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, kaasi oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Wasiirka ayaa sheegay wadamadaan dariska ah ay shirkooda diiradda ku saareen wax wada qabsi iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi buuxa, iyadoo ugu danbayntiina hoggaamiyaasha ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban Afar qodob.
Wasiir Geelle, ayaa sidoo kale sheegay in wasiirka Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Eritrea iyo Itoobiya ay ku sii jeedaan Waddanka Jabuuti, iyagoo halkaasi u tagaya sidii loo soo afmeeri lahaa colaada muddada dheer u dhaxaysay waddamada Jabuuti iyo Eritrea.
“Dadaaladaan lagu dhamaynayo colaada wadamada Eritrea iyo Jabuuti waxay ka soo bilawdeen safarkii hore ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Eritrea, ka dibna uu tagay dalka Jabuuti isagoo la wadaagay wadahadaladii Asmara iyo mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan dhamaynta colaada labadaan dal.” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Geele.
Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya ayaa ku sugan caasimadda Jabuuti iyago la filayo in ay kulmaan Madaxweynaha Jabuuti iyo Wasiirka arrimaha dibadda