Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay dhiggiisa Talyaaniga

107

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho dhiggiisa Talyaaniga Elisabetta Trenta.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka qotada dheer iyo xoojinta iskaashi wadaagga labada dal u dhexeeya oo ay ku jirto dib uga howlgalidda sidii loo taaba-gelin lahaa heshiisyada la xiriira gaashaandhigga ee labada dal ay hore u kala saxiixdeen.

Soomaaliya ayaa qorshaynaysa inay xoojiso ciidankeeda qaran iyadoo kaashanaysa isbahaysigeeda si ay u fuliyaan howlgallo amni oo dhabarka looga jebinayo argagaxisada, laguna ilaalinayo soohdinadda beriga, badda iyo cirka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Daahir Aadan Cilmi.

SHARE