Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

389

Muqdisho (UM) – Wafdi ka socday dalka Qatar oo uu hoggaaminayay wasiirka Gaashaandhigga ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Wafdigaan ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid yahay wasiirka dificaan iyo saraakiisha ciidamada.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Qatar ay yeelan doonaan Wadashaqeyn dhow.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka Gaashaandhiga Qatar ay isku afgarteen sidoo kale sidii xiriir dhow iyo wadashaqeyn ay u yeelan lahaayeen wasaaradaha difaaca labada dal.

Dowlada Qatar ayaa dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqday gaadiidka dagaalka ee Gaashaaman oo gaaraya 68.

SHARE