Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo la kulmay Dhiggiisa Sacuudiga

639

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Omaar ayaa boqortooyada Sucuudida ugu qeyb galay shirka ku saabsan aasaaska amniga hawada dalalka Carabta (Regional Aviation Safety Oversight Organisation) kaas oo ay waddamada xubnaha ka ay ay iskakaashan doonaan badqabka diyaaraha adeegsada Hawada ay maamullaan.

Wasiirka Omaar oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Gaadiidka Boqortooyada Sacuudiga Nabeel bin Maxammed Alamudi iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Saudi Airlines ayaa kulankooda uga hadlay iskaashi labada dal ee dhinaca Duulista Hawada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Wasiirka Gaadiidka iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga ayaa ugu dambeyn labada dowladood u kala saxiixay heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada dal ay yeelan doonaan.