Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo xilka laga qaaday

698

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya sidda baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si toos ah uga aqriyay wareegtadada Warbaahinta dowladda xilka looga qaaday Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.

Xasan Macallin Xuseen ayaa lagu magacaabaa Wasiirka xilka laga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay bilooyin ka hor.

Xilkaas Waxaa si KMG ah u sii hayn doona wasiiru dowlaha Wasaaradaasi  Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir sidda uu sheegay Wasiirka Warfaafinta.

Waa Wasiirkii Labaad ee xilka laga qaaday ee Wasaaraddaasi soo mara tan iyo intii uu xilka qabtay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda  Xasan Cali Kheyre.

Xasan Macallin Xuseen oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilkaasi waxaa loo Magacaabay 24-May ee Sanadkaan 2018-ka.

SHARE