Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga dalka Shiinaha ayaa booqasho Ku tagay dalka Ruushka, isaga oo magaalada Moscow ee caasimadda dalkaasi Ruushka kula kulmay madaxda difaaca dalkaasi.
General Wei Fenghe, wasiirka cusub ee Gaashaandhiga dalka Shiinaha waxaa uu Moscow kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Ruushka Sergey Shoigu.
General Wei, wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha ayaa waxaa shir jaraa’iid uu Ku qabtay Moscow, ka sheegay in booqashadiisa Ruushka ay tahay mid fariin cad ay ugu dirayaan dalka Maraykanka.
” Waxaan halkaan imid Aniga oo ah oo wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Shiinaha, waxaan u imid in Maraykanka uu arko in Shiinaha iyo Ruushka ay aad isugu dhow yihiin militari ahaan” ayuu general Wei sheegay sida uu Ku waramayo television-ka CNN ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka isagoo soo xiganaya wakaaladda wararka afka dowladda Ruushka Ku hadasha ee lagu magacaabo TASS News Agency.
Waxaa uu tilmaamay in Shiinaha uu Moscow yimid si Ruushka uu u taageero.
Dadka arrimaha militariga ka faalooda ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in maamulka madaxwayne Trump ay tahay inuu hadaladdan oo kale uu u qaato qaab halis ah.
Shiinaha waxaa uu ka mid yahay quwadaha Caalamka, marka laga hadlayo militari ahaan waxaa uu ka mid yahay quwadaha Ku hubaysan hubka Nuclear-ka, isagoo sidoo Kale ah dalka labaad ee ugu dhaqaaha badan Caalamka.
Ruushka ayaa waxaa uu wajahaya marxad cakiran isaga oo cilaaqaadkiisa dhanka diblumaasi ee uu la lahaa reer Galbeedka uu xumaaday, sidoo Kalena Quwadaha isu tagay ee NATO uu Ku wajahayo meel sidaa uga fogayn xadka Ruushka uu la leeyahay Yurubta bari.