Wasiirka difaaca Israa’iil oo is casilay

652
Wasiirka difaaca Israa'iil ayaa isu casilay xabadjoojinta Israel la gashay ururka Xamaas ee Falastiniyiinta. Sawirka: Reuters

Wasiirka difaaca Israeli Avigdor Lieberman ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu isagoo diidan xabadjoointa marinka Gaza ee lagu soo afjarayo dagaal labo maalmood socday oo u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil.

Lieberman oo warfidiyeenka kula hadlayay magaalada Jerusalem  ayaa sheegay in heshiis xabadjoojinta Gaza oo ay dowladda Masar dhexdhexaadisay Talaadadii ee u dhexeyay Xamaas iyo Israa’iil uu yahay ” isku dhiibida argagixisada”.

“inkasta oo aan kala duwanaashaha aragtida ay jirto, waxaan isku dayay inaa ka sii mid ahaado xubnaha xukuumadda ilaa iyo inta suuragal ah … balse guuladaraysataybut it has failed,” ayuu yiri Lieberman.

Waxa uu sheegay sidoo kale inuu aad uga soo horjeeday in Israel u ogolaato  Qatar in ay 15 milyan oo dollar oo gaargaar ah u dirto marinka Gaza toddobaadkii hore.

Ururka Xamaas ayaa ku tilmaantay is-casilaadda Lieberman “Guul siyaasadeed oo marinka Gaza u soo hoyatay “.

Is-casilaadda Lieberman ayaa wiiqi karta dowladda isbeheysiga talada haysa ee Ra’iisul wasaare Netanyahu iyadoo keeni karta doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.