Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha dibadda oo la dhaariyay

298

Muqdisho – Waxaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar oo dhawaan Ra’iisul wasaare Rooble xilkaas u magacaabay.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Ku xigeenkiisa 1aad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda. Waxaa uu beddelayaa Axmed Ciise Cawad oo xilkaas laga qaaday.

Ilo ku dhaw dhaw Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa UM u sheegay in Wasiirka cusub uu xilka kala wareegi doono wasiirkii hore maalinta Sabtida ee 28ka bishaan November.

SHARE