Waxaa maanta xilka wasaaradda Warfaafinta la wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo dhawaan loo magaacabay kaddib markii wasiirkii hore uu iska casilay xilkaan.
Munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaradda Warfaafinta uu ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayuu si ramsi ah xilka kula wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa toddoobaadkii hore iska casilay xilkii wasaaradda Warfaafinta kaddib markii uu sheegay in isaga iyo madaxda dowlad Federaalka uu soo kala dhexgalay “kala aragti duwanaansho” ku saabsan siyaasadda dowladda.
Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ayaa tan iyo markii la magaacabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxa ay mareysaa wasiirkii saddexaad.