Wasiirka cusub ee Hawlaha Guud oo xilka la wareegay

627

Muqdisho (UM) – Wasiirka cusub ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta ayaa maanta xilka si rasmi ah u ka wareegay.

Munaasabad Kooban oo ay xilka ay kula kala wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Ibraahim Geesey iyo Wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay wasaaradaan Cabdi Aadan Hoosoow ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Muunasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, wasiiro iyo Shaqaalaha wasaaradda.

Cabdifitaax Ibraahim Geesey, wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa ka hadlay Waxyaabihii u qabsoomay oo ay ka mid yihiin heshiisyo uu la galay Hey’ado wasaaradu la gashay Hey’addo calaami ah.

Wasiirka cusub ee Wasaradda Howlaha Guud Cabdi Aadan Hoosoow isna sheegay dardargelin doono shaqada iyo hawlaha wasaaradda.

Wasiirka cusub ayaa bishii December ee sanadkii hore xilkaan loo magaacabay kaddib markii Cabdifitaax Ibraahim Geesey iska casilay sabab uu ku sheegay fargelin dowladda Federaalka ay ku haysay doorashadii maamulkii Koonfur Galbeed.