Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka AstraZeneca ee Covid-19

938

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa maanta lagu bilaabay tallaalka COVID-19 ee ugu horreeyay gudaha dalka Soomaaliya,kaasi oo shalay Muqdisho soo gaaray.

Wasiirka Caafimaadka ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee lagu bilaabay tallaalka ka hortaga xanuunka COVID-19 ee AstraZeneca.

Munaasabadda lagu daah-furay tallaalka oo ay ka qeybgaleen hawlwadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo dhaqaatiirta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tallaalka AstraZeneca ee Covid-19 oo ka kooban 300,000 kun oo xirmo ayaa shalay soo gaaray Soomaaliya, iyadoo sidoo kale saaka laga dajiyay magaalada Garowe.

Sidoo kale waxaa la filaa inuu gaaro dowlad Goboleedyada kale iyo sidoo kale maamulka Somaliland.