Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Dr jaamac Cilmi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhaqaatiir ay qeyb ka yihiin ayaa soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxayna la kulmeen Madaxda ugu sareysa dalka.
Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha ayaana uga mahad celiyey howlaha Gargaar ee ay wadaan iyo doorka ay ka qaateen u gurmashada dadkii Musiibadii Zoobe ee Muqdisho waxyeelada kasoo gaartay.
Waxaan u mahadcelinayaa walaalaheena Djibouti. Dawooyin, 27 Dhaqtar & Kaaliyayaal caafimaad gurmad ah ayay ina soo gaarsiiyeen. #WalaalJira pic.twitter.com/NjtwZRrkW7
— Thabit Mohamed (@ThabitMhd) October 16, 2017
intaasi kadib Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qaabilay Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti uu horkacayo, isagoo ku ammaanay doorkii gurmadka walaalnimo ee ay u sameeyeen Bulshada Soomaaliyeed ee Waxyeelada ay soo gaartay, xilli Soomaaliya ay garab istaag u baahnadeen ayuuna u sheegay in ay usoo gurmadeen.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Jabuuti, jaamac Cilmi iyo wafdigiii uu hoggaaminayey, ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaasi oo ay kula kulmeen Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, iyagoo warbixin ku saabsan qaabka gurmadka loo wado ka dhageystay R/wasaare ku xiggeenka.
https://twitter.com/MinisterMOFA/status/919919473917874176
Dhanka Kale
Dowladda Qadar ayaa diyaarado usoo dirtay Soomaaliya.
Waxaa ay qayb ka tahay dowladaha Soomaaliya ku garab taagan gurmadka Qaran ee ka soconaya magaalada Muqdisho ka dib weerarkii 14 kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo tirada dadka ku dhintay ay kor u dhaaftay 350 halka dhaawac la sheegay inuu ka badan yahay 500.
Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladda koowaad ee kaalin wayn ka qaadatay gurmadka Qaran, ayadoo wasiirkeeda Caafimaadka, 33 dhaqtar, Diyaarado, Daawooyin iyo Ambalasyo usoo diray magaalada Muqdisho, islamarkaana dalkeeda u qaaday ku dhowaad 40 qof oo dhaawacyo halis ah uu kasoo gaaray weerarkii Zoobe ee Muqdisho