Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

600

Muqdisho (UM) – Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay kulan kula yeesheen xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madax Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxda Galmudug ayaa ka wadahadlay arrimaha siyaasadeed ee ka jira Galmudug iyo xiriirka dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Booqashada wasiirka arrimaha gudaha aya imaanaysa iyadoo wali khilaaf ka dhex taagan yahay dowlad Goboleedka Galmudug iyo dowladd Federaalka.

Waxaa sidoo kale shalay soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la filayo inuu wadahadalo la yeesho madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.