Mas’uuliyiinta dalka Pakistaan ayaa xaqiijiyay in Nin hubeysan uu toogtay wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan Axsan Iqbal isaga oo booqasho ku marayey goob doorasho ku taallo koonfur bari ee Magaalada Narowal.
Waxaa Wasiirka soo gaaray Dhawaac, waxaana lagu dabiibaya Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalkaasi sidda ay xaqiijiysay Madaxtooyada Pakistaan.
Wasiirka ayaa la sheegay in dhaawaca uu kasoo gaaray Gacanta Bidix, islamarkaana ay ku dhacday Xabad.
Saraakiisha amniga Pakistan ayaa waxay sheegeen iney nin dabley ah uu wasiirka weeraray gacanta lagu hayo oo su’aala la weydiinayo.
Dalka Pakistaan waxay doorashada guud ka dhaceysaa 15-ka bisha July.
Mr Iqbal waa xubin sare oo katirsan xisbiga talada dalka Pakista haya ee PML.