Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Washington kaga qayb galaya shir caalami ah

872

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Washington ee dalka Maraykanka halkaasi oo uu kaga qayb galayo shir caalami ah .

Wasiirka ayaa shirka uu ka qayb galayo waxaa lagu casuumay wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Qaaradda Africa waxaana  Shirka gogashiisa fidiyay xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Rex Tillerson.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonnaa Arrimaha Ganacsiga, Ammanka iyo kuwo kale.

Waxaa uu noqon doonaa shirkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ay isugu yimaadaan wasiirada Arrimaha Dibadda Africa iyo mas’uuliyiinta Maraykanka tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, kaasi oo Ku dhibaatoonaya balanqaadkiisa ahaa inuu wax walba ka hormarinayo danta Maraykanka (America first).