Magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda dalka Ethiopia, ayaa maanta waxaa ka dhacay shir ay yeesheen golaha wasiirada dowladaha Ku bohoobay urur gobaleedka IGAD.
Shirka waxaa looga hadlayay qorshe ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wax ka waddo, kaasi oo ah gorshe nabad iyo xasillooni loogu raadinayo Sudan-ta Koofureed.
Qabsoomidda shirkan waxaa xaqiijiyay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Yusuf Cumar, oo shirka ka qayb galay.
Golaha Wasiirrada IGAD, ka sokow waxaa shirka iyaguna goobjoog ahaa kana hadlay goobta wakiillo ka socday waddammo iyo ururro ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Shiinaha iyo qaar kale, sida uu sheegay Wasiir Yuusuf Garaad.
Maalinta Berri ah ayaa isla magaalada Addis Ababa waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shir ay ka qeyb gelayaan dhinacyada isku haya Sudan-ta Koofureed.
Koonfurta Suudaan waa Jamhuuriyadda ugu da’da yar Qaaradda Afrika, kaasi oo tan iyo intii uu xuriyadda qaatay ay ka taagan yihiin dagaalo siyaasadeed oo Qaramada Midoobay ay Ku sheer mid sokooye oo ay Ku dhex jiraan isir-sifayn.
Dagaalka ayaa dalka Koonfurta Suudaan ka bilowday wax yar ka dib markii dalkaasi uu xurnimada ka qaatay dalka Suudaan intiisa kale.
Waanwaanta nabadeed ee IGAD, ka dhex wado dowladda Xukunka haysa ee uu hogaamiyo madaxwaynaha dalkaasi Salva Kiir mucaaradka oo uu hogaamiyo madaxwayne Ku xigeenkii hore ee dalkaasi Riek Machar, ayaa dhowr jeer lagu guulaystay in dhinacyadaasi heshiis ay gaaraan hase ahaatee aan labada dhinacba dhaqan galin.
Qaramada Midoobay, ayaa labada dhinac Ku eedaysay in ay galeen dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin gaboodfallo ka dhan ah Aadanaha muddada uu dagaalka ka socdo Koonfurta Suudaan.