Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Kenya

423

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Safiirka dalka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Lucas Tumbo.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashi wadaagga labada dal.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya muran ku saabsan xuduudeed baddeedka Soomaaliya taasi oo Kenya ay sheeganayso in ay leedahay.

Qaddiyadda kiiska badda ayaa waxa uu hadda horyaallaa maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ iyadoo dhagaysiga dacwadana ay furmi doonto bisha September ee sanadkaan.

SHARE