Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo Moscow kula kulmay dhiggiisa Ruushka

74

Moscow- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay maanta oo Isniin ah magaalada Moscow dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov.

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Ruushka ayaa ka wada hadlay xoojin xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cawad ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii maanta magaalada Moscow ee caasimadd dalka Ruushka si uu uga qeybgalo shirka Wasiiradda arrimaha dibadda shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo ka furmi doona maagalada Moscow maanta oo Talaado ah (16 April).

SHARE