Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Shiinaha

678

Mogadishu – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China Qin Jian.

Wasiirka iyo Safiirka Shiinaha ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.