Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan.
Wasiir Cawad iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ka wadahadlay iskaashiga u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaafiiska Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida, waxa kale oo ay isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu markale ku celiyay taageerrada dalkiisu u haayo dadaallada Wakiilka Gaarka ah iyo qorshaha howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.