Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo Doxa kula kulmay dhiggiisa dalka Qatar

398

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula yeeshay shalay oo Axad ahayd (28 April) magaalada Doxa Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka iyo habkii looga horrumarin lahaa dhinac waliba, waxa ay sidoo kale isla gorfeeyeen arrimaha gobolka iyo dunida .

Soomaaliya iyo Qatar ayaa horrey dhawr mar u kala saxiixday heshiisyo dhanka mashaariic horumarineed iyo iskaashi maalgashi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale xiriir dhaw la samaynaysay dowladda Qatar tan iyo markii dalalka Khaliijka ee Sacuudigu hoggaamiyo xayiraad ku soo rogeen xiriirkii diblomaasiyadeed u jareen Qatar sanadkii 2017-ka.

SHARE