Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo booqasho ku tagaya Kuuriyada Waqooyi

686
Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka ayaa booqasho ku tagaya Kuuriyada Waqooyi. Sawirka: Google

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Russian Sergey Lavrov ayaa booqasho ku tagaya dalka Kuuriyada Waqooyi Khamiista, sida ay shaacisay wasaarada arrimaha dibadda Ruushaka maanta oo Arbaco ah.

Iwasiirka arrimaha dibadda Ruushka ayaa la kulmi doono dhigiisa Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay.

Waxa la sheegay in ay ka wadahali doonaa barnaamijka Nuyukleerka, xiriirka iskaashi iyo arrimaha gacanka Kuuriyadda.

Booshaqada Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ku soo aadaya iyadoo uu ismari waa iyo hubaal la’aan ka ay ka jirto shir madaxeedka u dhexeeya Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo madaxweynaha Mareykanka Donald trump, kaasi toddobaadkii hore ka baxay madaxweyne Trump.

Waa markii labaad oo ay kulmayaan kaddib markii bartamihii bisha May uu booqasho ku tagay wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho magaalada Moscow.

Boqashada wasiirka arrimaha dibbadda Ruushka ayaa sidoo kale imanaysa, iyadoo wafdi heerkoodu sareeya oo Kuuriyada Waqooyi ah ay ku sugan yihiin dalka Mareykanka halkaasi oo la fuliyo in ay wadahalo ku saabsan shirka la filayo inuu dhexmaro Hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo kuuriyada Waqooyi ay yeeshaan xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.