Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

714
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Ahmed Awad iyo Safiirka Turkiga ee Muqdisho u fadhiya Olgan Bekar. Sawirka: SONNA

Muqdisho (UM) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador, Olgan Bekar. Kulan Wasiirka iyo danjire Olgan ayay uga hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu Lafa guray sidii Dowladda Turkiga ay usii Laba jibbaari lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Wasiirka iyo safiirka Turkiga ayaa kulankooda uga hadlay sidoo kale arrimo dhawr ah oo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Danjire Olgan Bekar, ayaa dhankiisa  sheegay inuu dalkiisu adkayn doono doorkooda ku aaddan garab istaagga iyo gargaarka ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa ah Soomaaliya ka caawisa tababarka ciidamada xoogga, iyadoo sidoo kalena mashaariic kala duwan oo hormarineed ka fulisa Soomaaliya.