Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya (Sawiro)

806

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Axmed Ciissa Cawad, ayaa qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr. Carlo Campanile, isaga oo ka guddoomay dhambaal casuumaad ah.

Intii kulanka lagu guda jiray waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, iyadoo loo marayo istraatijiyad siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale si loo xoojiyo maqaamka xiriirka taariikheed ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah, waxaa sidoo kale laga dooday arrimo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka iyo sidoo kale xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad ayaa siiyay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada Guud ee dalka, Waxa uu amaanay doorka Talyaaniga ee horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Carlo Campanile, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay Hardanka Dowladda Dhexe ay ugu jirto sidii ay usoo ceshan leheyd Maqaamkii ay ku leheyd dunida inteeda kale.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika  Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.