Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada khartuum ee dalka Suudaan kulan kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok.
Kulanka Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Suudan ayaa looga hadlay xiriirka labo geesoodka ee labada dal u dhexeeya, iskaashiga wadajirka iyo muhiimadda ay leedahay isku duwidda.
Waxaa sidoo kale looga hadlay xoojinta Iskaashiga iyo arrimaha Gobolka.
Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo muddo soo jiray.