Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya

85

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho danjiraha Britain ee Soomaaliya Benjamin James Fender.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo safiirka UK ayaa ka wadahadlay intii lagu guda-jiray fadhigaasi xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.

Kulanka ayaa waxa sidoo diirada lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

UK waxa ay ka mid tahay dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka Miisaaniyadda, mashruuc horumarinta la xiriirka iyo amniga.

SHARE