Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiirka arrimaha dibadda dalka Norway Marie Eriksen iyo wafdi ay hoggaaminayso.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaraha Aden Abdulle ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha dibadda Norway oo booqasho bal maalin ah ku timid dalka ayaa kulmo la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba dal iyo iyo sidii aan iskaga kaashan lahayn dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Dowladda Norway ayaa xubno ka ah Midowga Yurub oo dowladda Federaalka Soomaaliya taageer dhinacyo kale duwan ah siiya.