Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Faransiiska

331
Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo wadahadallo lama filaan ah la yeeshay Madaxweynaha Faransiiska. Photo/AFP

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohamed Javed Zarif ayaa wadahadallo lama filaan ah kula yeeshay shir doceed ka dhacay xaruunta uu ka socdo kulan weynaha dalalka ku bahoobay G7. Wadahadalladaan ayaa qabsoomay kaddib casuumaad aan horay loo shaacin oo Madaxweyanaha Faransiiska Emmanuel Macron uu u fidiyay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan.

Zarif diploomaasiga ugu sarreeya Iiraan ayaa axaddii gaaray magaalo xeebeedka Biarritz ee dalka Faransiiska halkaas oo ay ku kulansanyihiin  dalalka ku bahoobay G7 ee kala ah Mareykanka, Kanada, Faransiiska, Jarmalka,Britain,Talyaaniga iyo Jabbaan. Dalalkaan ayaa ka wadahadlaya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Ganacisga caalamka, isbadalka cimilada iyo hubka Nukliyeerka Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa kulan qaatay saddex saac iyo bar la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian. Kulan kale oo qaatay muddo soddon daqiiqo ah  ayuu la yeeshay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

War kooban oo uu soo dhigay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohamed Javed Zarif barta Twitterka ayuu ku sheegay in diploomaasiyadda firfircoon ee Iiraan  ee looga gol leeyhaay wadahadal wax dhisa ay sii soconeyso. Waddada naga horreysa waa mid adag, laakiin iskudaygu waa wax habboon.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa kaddib dhammaadkii kulankii dhaqsaha ahaa waxa uu iskaga tagay dalka Faransiiska. Sarkaal ka tirsan xafiiska Madaxweyne Macron ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwa wanaagsan.

Madaxweyne Macron oo ah martigaliyaha shirka dalalka G7 ee sannadkaan ayaa wada dadaallo uu ku doonayo in uu ku damiyo xiisadda ka dhalatay ka bixitaankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si kaligiis uga baxay heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen dalalka caalamka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo quwadaha dunida. Mareykanka ayaa ka bixitaankii heshiiska kaddib waxa uu dib ugu soo rogay Iiraan cunoqabateyn dhanka shidaalka iyo bangiyada ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaan gabi ahaanba la kulmin Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku sugnaa madasha uu ka dhacayay shirka dalalka G7.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Macron ayaa casuumaad lama filaan ah u fidiyay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Javed Zarif  kaddib kulan casho ah oo uu la qaatay madaxda dalalka G7 habeenkii sabtiga sidaas waxaa wakaaladda wararka AFP u sheegay sargaal Faransiis ah. Casuumaadda ayaa la sameeyay kaddib isfgarad dhexmaray Marrykanka iyo Faransiiska sarkaalka ayaa intaas ku daray. Hadalka sargaalka ayaa ka hor imaanaya hadal uu sheegay aqalka cad ee Mareykanka oo gabi ahaanba meesha ka saaray in Trump wax ka ogaa imaanshaha wasiirka arrimaha dibadda Iiraan.

Macron ayaa gadaal ka riixaya qorshe uu ku doonayo in Mareykanka uu uga dhaadhciyo in Iiraan laga qaado cunoqabateynta dhanka shidaalka ay u dhoofiso Hindiya iyo Shiinaha, sidoo kalena loo sameeyo hab ay deynta caalamiga ah si ay wax  usoo dajisato.

Dhanka kale Mareykanka ayaa wata qorshe kaas oo ka duwan oo ah in Iiraan lagu kordhiyo cadaadiska si ay u aqbasho wadahadallo cusub oo lala galo. Wadahadalladaas ayaa waxaa ku jira in Iiraan ay joojiso taageerada ay siiso kooxaha ka dagaalama dalal kale duwan, sidoo kalena ay ka tanaasusho madaafiicda cinjirka ah oo ay sameyso.

SHARE