Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo iscasilay

375
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Maxamed Zarif ayaa ku dhawaaqay inuu iscasilay. Sawirka: Reuters

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiraan Maxamed Javed Zarif ayaa si lama filaan ah iskaga casilay xilkii wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan. War uu soo dhigay bartiisa Instagramka ayuu kusoo gudbiyay istaaqaladiisa.
Maxamed Javed Zarif ayaa ka mid xubnihii ugu cadcaddaa dhanka Iiraan ee saxiixay heshiiskii Nukliyeeerka ee dhex maray Iiraan iyo quwadha adduunka.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee uu isku casilay Zarif, ilaa iyo haddana wax war kama soo saarin dowladda Iiraan.

Mareykanka ayaa sanadkii hore ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee saddex geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay quwadaha adduunka iyo Iran.

Mareykanka aya sidoo kale cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga ku soo rogay dalka Iran.

SHARE