Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea oo Muqdisho soo gaaray

429

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi ka socda dalka Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Yemane Gabreab ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Eritea ayaa isla maanta wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdiga waxaa Garoonka Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad.

SHARE