Safarka ay maanta ku soo gareen caasimadda Muqdisho wafdiga ka socda dowladda Eriteereya oo la sheegay inuu horudhac u yahay safar uu dhawaan ku imaan doono dalka Madaxweynaha Eritereeya Isiaias Afwerki ayaa daba socda socdaalkii uu dhawaan ku tagay waddanka Eritereeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Farriin lagu qoray Bogga Twitter-ka Ra’sal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in booqashada wafddiga ay la xiriirto booqashadii bishii la soo dhaafauy uu Madaxweyne Farmaajo ku tagay Magaalada Asmara.
Eritrean FM Osman Saleh and Presidential adviser, Yemane Gebreab arrive in Mogadishu for high level talks, following President Farmajo’s recent visit to Asmara. Regional cooperation for stability and economic progress is crucial for common prosperity of the Horn. #nabadiyonolol pic.twitter.com/1rlMsK98Fj
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) August 13, 2018
Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada amaanka,dhaqaalaha iyo iskaashiga Gobolka.
Heshiiskii ay labada dal ku saxiixdeen Asmara waxaa ka mid ahaa in safaaradaha labada dal dib looga furo Asmar iyo Muqdisho in danjirayaasha la magacaabo.
Lama xaqiijin in Wafddiga ka socda Asmara uu safiir la socdo sidoo kalena safaarad ka furanayaan Magaalada Muqdisho hase ahatee waxaa la filayaa inay booqashadani tahay bilowga xiriir diblomasiyadeed oo ka dhex curta labada dowladood.