Wasiirka Arimaha dibadda oo hortagay Baarlamaanka

843

Kalfadhiga labaad kulankiisa 14-aad, kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay C/wali Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka ayaa maanta ahaa in Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya uu hortago Baarlamaanka, ayna su’aalo waydiiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta oo Axad ah waxaa hortagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, waxaana su’aalo laga weydiiyay shaqada Wasaaradda iyo wixii u qabsoomay mudada uu Xafiiska Joogo