Home Wararka Maanta Wasiirka Amniga: Waxaan bilownay qorshihii lagu dhisi lahaa 32,000 oo Boolis ah

Wasiirka Amniga: Waxaan bilownay qorshihii lagu dhisi lahaa 32,000 oo Boolis ah

758
Shir  socon doono muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka furey Wasiirka wasaaradda Aminga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya,  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa  u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Ujeeddda shirkani wadatashiga ah ayaa ah in muddada uu socon doono looga hadlo arrimo la xiriira qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah.

Ciidankan ayaa la sheegay inay  isugu jiri doonaan kuwo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah si ay isaga kaashadaan sugidda Amaanka dalka iyo sidoo Kale sidii ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ee tan iyo 2007-dii ka howl-gala Soomaaliya ay ugala  wareegi lahaayeen guud ahaan Ammaanka dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow, oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la dhisayo ciidamo booliska ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo uu sheegay in qorshuhu uu yahay in AMISOM ay  ka la wareegi doonaan ammniga Soomaaliya.

“Waxaa maanta halkani isugu yeernay saraakiisha booliska Heer Federaal iyo heer dowlada goboleed, waxaana looga hadlaya qorshaha lagu dhisayo ciidamo Qaran oo Amisom kala wareegaya amniga dalka marka ay baxaan dalka ka baxsan  2021, sida ay ku heshiyeen dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Sida aad ogtihiin shirkii London waxyaabohii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in la dhiso 18 oo Ciidan Militari ah iyo 32 kun oo Boolis ah, kuwaasi oo u kala baxaya, Darwiish iyo ilaalada Xeebaha”, ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi xakiin Daahir Siciid Saacid, ayaa ku booriayay saraakiisha ka qayb-galay shirka in ay la yimaadaan karti iyo aragti wanaagsan oo ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed isagoo u balan qaaday in aragti midaysan ay ku lafa gurayaan doodda shirka si loo helo natiijo wanaagsan.

Waxaa shirkani goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobey ee taageera Hay’adaha Dowladda iyo tababarayaal Boolis ah  kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya tayaynta ciidamada.