Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Denmark

863

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale oo ku sugan dalka Denmark ayaa la kulmay wasaaradda arrimaha dibadda.

Kulanka ay yeesheen oo socdey muddo labo cisho ah ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, Socdaalka, Baasaboorka Soomaaliya iyo kaalmada Denmark ay ku bixiso dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa warbixin ka siiyey madaxda Demark hormarka laga sameeyey dhinacyada dowlad wanaagga, amniga, socdaalka, Dukumentiyada safarka, caddaaladda, iyo la dagaalanka Musuqqa.

Kulanka kaddib ayaa la isla qaatay iskaashi dhinacyada amniga iyo socdaalka ah, waxayna dowladda Denmark aqoonsatey baasaboorka Soomaaliya, iyaga oo ku bilaabi doona nooca diblomaasiga ah.

Dowladda Denmark, ayaa sidoo kale Soomaaliya ka taageeri doonta dhismaha xarunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya dalka, iyo dhismaha xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya.