Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in wax bannaanbaxyo oo ka dhaca magaalada Muqdisho aysan aqbli doonin, islamarkaana la joojiyay.
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Xundubay Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay magalaada Muqdisho maanta ayaa sheegay in dowladdu ay ku taagan tahay go’aangii horey ay u soo saartay oo ahaa in mudaharaadyo iyo isu soo bax aan la qabin karin.
” Baannaanbax guud ahaan waa la joojiyay ama hanaqdo mid dowladdu lagu taageersan yahay ama hanaqdo mid looga soo horjeedo. bannaanbax dowladduna waa samayn kartaa, mucaaradkuna waa soo saari karnaa laakiin kuligood waa sharci darro”. Ayuu yiri Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey.
Banaanbax iyo isku imaatin dadweyne lama qabo karo dowlad halagu taageero ama mucaarad waa mamnuuc” wasiirka amniga XFS Xasan Xundubey Jimcaale.
Halka Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo shalay Midowga Golaha Musharaxiinta ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ay iclaamiyeen bannaan bax ay isugu imaanayaan dadka iyo taageerayaashiisa mucaraadka 26ka Febraayo oo ah maalinta Jimcaha.
Midowga Musharaxiinta ayaan wali ka jawaabin hadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay ee ah in aan la qaban karin wax bannaanbaxyo ah iyadoo oo ay dowladdu sheegtay in ay u mamnuucay xanuunka Covid-19 awgiis.
19kii bishaan ayay markii ciidamada gaarka ah ee Gorgie ay iyo kuwa militariga Soomaaliya ay weerareen fagaaraha Daljirka Daahsoon oo Hoteeel u dhawaa ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo subaxii Jimcahana rasaas lagu furay mudaharaad ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta.