Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa maanta lagu wadaa in uu booqasho ku tago Baladxaawo, si uu usoo indha-indheeyo xaalada magaalada oo maalmahaan ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa ciidanka Kenya iyo shacab careysan.
Xiisadaan ayaa timid kadib markii ciidanka Kenya ay gudaha usoo galeen xuduuda Soomaaliya oo ay burburin ku sameeyeen baro xuduuda ku yaalla.Dadweynaha Baladxaawo ayaa si caro eh uga falceliyay is hor istaagna ku sameeyay.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala gedisan la qaato maamulka degmada iyo waliba ciidanka Kenya oo uu kala hadli doono sidii xaalada loo dajin lahaa.
Kenya ayaa dhawaanahaanba dhaqaaq ay darbi ku dhiseeyso ka waday xudduuda ay Soomaaliya la wadaagto dhinaca Mandheera.
Magaalada Baladxaawo ayaa dhacda xudduuda Soomaaliya iyo Kenya iyada oo dhinaca ku heeysa magaalada Mandheera.