Wasiiradii dhowaan la magacaabay oo xilka la wareegay (Sawiro)

698

Munaasabado ay xilalka kula wareegayeen Wasiirada arrimaha gudaha iyo dibadadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa  goob joog ka ahaa Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya   Mahdi Maxmed Guuleed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Intii ay socdeen munaasabadaasi xil wareejinta ah waxaa lagu soo bandhigay waxqabdka Wasiiradii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Cabdi Faarax Siciid (Juxa),iyadoo sidoo kale lagu soo dhaweeyey Wasiirada cusub ee Wasaaradahaasi,Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda iyo Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxmed Guuleed ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Wasiiradii hore waxqabadkooda mudadii ay xafiiska hayeen,wuxuu sidoo kale kula dardaramay Wasiirada Cusub oo xilka la wareegay in waajibaadkooda ay u gutaan si hufan.

Dhawaan ayaa degreeto ka soo baxday xafiiska Ra’’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa xilkii looga qaaday Wasiirada arrimaha gudaha,Dibadda iyo Ganacsiga iyadoo isla wareegtadaasi lagu magacaabay Wasiiro cusub.

Dhanka kale

Xaflad uu xilka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Khadro Axmed Ducaale iyo wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradaas Mudane Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradaasi.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ra’’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,Wasiirka wasiir kuxigeenka,Wasiiru Dowlaha xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Khadra Axmed Ducaale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa faah faahin ka bixisay ugu horeyn waxqabadka Wasaaradda mudadii ay xilka haysay,waxaana ay sheegtay in ay ku guuleysatay howlo badan oo horyaalay Wasaaradda,waxayna ugu mahadcelisay dhamaan mas’uuliyiintii la shaqeysay mudadii ay xafiiska joogtay dowrkii ay ku lahaayeen dardargelinta howlaha Wasaaradda.