Wasiirada da’ada yar ee qaaradda Afrika

916

Inta badan waxaa jagooyinka sarsare ee dalalka qaaradda Afrika loo magacaabaa dad da’ ahaan weyn kuwaas oo lagu tuhmayo waayo aragnimo iyo aqoon. Haddaba madaxweyanayaasha dalalka qaar ee qaaradda Afrika ayaa waddadaas ka leexday oo jagooyin sarsare sida wasiir arrimo dibadeed u magacaabay shakhsiyaad aad u da’ yar.

Dad badan ayaa aad isku weydiinaya kuwa ay yihiin waddamada dhalinyarada gaarsiiyay meel aysan horay u gaarin oo ka leexday waddooyinkii hore.Dalalka kala ah Mali, Zimbabwe ayaa kusoo biiray  dalka Botswana oo horay qof dhalinayaro ugu magacaabay wasiir.

Yaa la magacaabay?

Madaxweynaha dalka Maali  ayaa isniintii la soo dhaafay wasiirka arrimaha dibadda dalka Maali u magacaabay Kammisa Kamara oo 35 jir ah.Kammisa waaa haweeneydii ugu horreysay ee noqota wasiirka arrimaha dibadda dalka Maali oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Waa ayo Kammisa Kamara?

Kamissa Kamara waa gabar dhalinyaro ah oo wax ku baratay dalka Faransiiska, kaddibna u gudubtay dalka Maraykanka halkaas oo ay qayb ka aheyd machadka tababarka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka  ee lagu tababaro  diploomaasiyiinta Maraykanka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya galbeedka Afrika iyo gobolka Saaxil. Ka hor inta aan loo magacabaain wasiirka arrimaha dibadda waxay aheyd  maamulaha machadka daraasaadka ee Sahel Strategy Forum oo ay asaastay iyo  la taliyaha dhanka arrimaha dibadda ee madaxweynaha dalka Maali Ibraahim Buubakar  keita.

Waxbarasho ahaan Kamara waxay heysataa shahaadada koowaad oo ay  ka qaadatay jaamacadda Denis Dedirot  ee dalka Faransiiska iyada oo ku takhasustay cilmiga luqadaha iyo xiriirka caalamiga.

Waa ayo 34 jirta loo magacaabay wasiirka ciyaaraha Zimbabwe?

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa wasiirka ciyaaraha u magacaabay gabar caddaan ah oo u dhalatay dalka Zimbabwe. Magacaabistaan ayaa aad ugu badneyd hadalheynta dadka Zimbabwe. Sababta hadal heynta keentay ayaa ah in Kristy Conventry ay horay dalkeeda Zimbabwe ugu soo hoysay billad ay ku qaaddatay tartanka dabaasha ciyaaraha Olombikada adduunka. Kristy oo hadda ah guddoomiyaha  guddiga orodada ee xiriirka olomkibadda adduunka ayaa aad usoo dhaweysay magacaabisteeda iyada oo sheegtay in ay diyaar u tahay in calanka dalkeeda ay meelo kale ka lusho.

Maxaad ka taqaan wasiirka maalgashiga dalka Botswana?

Bogolo Joy Kenewendo ayaa bishii Abriil ee sannadkaan waxa ay noqotay wasiirka ugu da`ada yare e abid loo magacaabo in uu hoggaamiyo wasaarad ka tirsan wasaaradaha dalkeeda Botswana. Madaxweynaha dalka Botswana Mokgweetsi Masisi  ayaa gabadhaan oo 31 jir ah u doortay in ay hoggaamiso wasaaradda  maalgashiga, hormarinta iyo ganacsiga. Sannadkii 2016ka ayay taariikh sameysay kaddib markii  madaxweynihii hore ee Botswana Ian Khama uu u magacabaay   in ay ka mid noqoto baarlamaanka dalka Botswana.

Qaaradda Afrika ayaa inta badan waxaa siyaasadda maamula  siyaasiin da`a ahaan aad u weyn, waxayna taas caqabad ku noqotay dhalinyaradda Afrika oon fursad u helin hamiyadooda siyaasadeed. Magacaabistaan ayaa aad u dhiirigalineysa dhalinta qaaradda oo awal quus ka joogay siyaasadaan odoyadu horboodaadaan.