Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta oo ka shiray qadiyadda Qudus (Sawiro)

842

Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jaamacadda Carabta ayaa ka dhacay magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Shirka waxaa looga hadlayay go’aanka madaxwaynaha dalka Maraykanka uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa ka mid ahaa wasiirada ka qayb galay shirka wasiirada Arrimaha Dibadda jaamacadda Carabta.

Wasiirada Arrimaha Dibadda shirka ka hadlay ayaa qeexay dareenkooda Ku aadan go’aanka Trump ee magaalada Qudus.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Jubayri, ayaa sheegay in go’aanka Trump ee Qudus uu yahay mid qaldan islamarkaana aan la aqbali Karin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Lubnaan ayaa jeediyay hadal dunida Islaamka lagu soo dhoweeyay kaasi oo ahaa inay tahay in Caalamka Islaamka cunoqabatayn dhanka dhaqaalaha ah ay kusoo rogaan dalka Maraykanka.

SHARE