Wasiirada arrimaha dibadda ee Carabta ayaa maanta kulan deg deg ah yeelana kaasi oo Sacuudiga uu dalbaday.
Waxaa la sheegay in shirkaasi looga hadli doono xaaladaha ka taagan dalalka Carabta iyo fara galinta dalka Iiraan ee Barriga dhexe.
Saacado ka hor inta uusan kulanka qabsoomin ayaa waxaa la sheegayaa in wasiirka arrimaha dibadda Lebanon uusan ka qeybgaleynin kulankaani lagu qabanayo xarunta ururka Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in kulankani looga hadli doono ka hortagi lahaa faragalinta ay Iran ku heyso arrimaha dowladaha Carabta, taasi oo ay ku burburineyso amniga iyo nabadgalyada Carabta.
Wakaaladda ayaa waxay sheegtay in dowladaha Baxreyn, Imaaraadka iyo Kuwait ay aqbaleen codsigii Sacuudiga ee ahaa in la qabto kulanka.
Maalmihii dambe waxaa cirka isku shareeray xiisadda dhanka gobolka ah ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Iran taasi oo gaartay arrinteeda meel sare.
Ra’iisulwasaaraha Lebanon Sacad Xariiri ayaa ku dhawaaqay 4 November inuu iska casilay xilkiisa isaga oo ku sugan Riyaadh, siyaasiyiin badan oo reer Lebanon ah ayaa waxay ku tilmaameen arinkaasi in Sacuudiga uu ku riixay Sacad inuu iscasilo.