Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawadeeda aysan soo gali Karin diyaarad aan ruqadsad ka heysanin wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Afka Soomaaliga ku baxda ee VOA u sheegay in oo kelliya ay hawadda Soomaaliya soo gali karaan diyaaraddaha heysta ruqsadda wasaaradiisa.
“Shirka aan u nimid magaalada Monteriyaal ee dalka Canada waxa uu ahaa shir daba scoday soo wareejintii hawada Soomaaliya maamulkeeda loo soo wareejiyay Muqdisho 18-kii Juun 2018, kadib wax aan joojinay mashaariic kale oo ay hay’adda ICAO ay gacanta ku heysay oo muddo badan qaatay dhameystirkooda marka si loo dhameystiro halkanna wax aan u joognaa in ICAO kala tashano sidii dib loogu bilaabi lahaa mashaariicdaa” Sidaas waxaa VOA u sheegay wasiirka isagoo safar shaqo ku jooga wadanka Kanada.
Mar uu wasiirka ka hadlayay diyaaradaha ka dagga magaalooyinka kala duwan ee dalka ayaa uu wasiirku sheegay in diyaarad walba oo heysata ruqsad ama fasax in ay ka dagi karto dhammaan garoomada caalamiga ah ee dalka.
“Diyaaradaha wadanka Soomaaliya yimaada wax ay tagaan magaalooyin badan oo dalka kamid ah, diyaaradda heysata fasax, fasaxana waxaa bixisa dowladda dhexe, diyaaradii buuxisa dhammaan shuruudaha wax ay ka degi kartaa dhammaan garoomada caalamiga ah ee wadanka” ayuu yiri wasiirka gaadiidka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar.
Hay’adda Caalamiga ah ee duulista Hawada ayaa maamulka hawada Soomaaliya ku soo wareejisay gacanta dowladda federaalka Soomaaliya 18-kii bishii Juun sanadka aynu ku jirno ee 2018.